0:00
0:00

Cutub 27

Oo meesha allabariga waa inaad ka samaysaa qori qudhac ah, dhererkeedu shan dhudhun ha ahaado, ballaadhkeeduna shan dhudhun; oo meesha allabarigu afar geesood ha ahaado, oo sarajooggeeduna saddex dhudhun ha ahaado.
2 Oo afarteeda rukun waxaad u yeeshaa afar gees; oo geesaheedu waa inay isku waslad la ahaadaan; oo waa inaad naxaas ku dahaadhaa.
3 Oo waa inaad u samaysaa weelal dambaska lagaga guro, iyo majarafadaheeda, iyo maddiibadaheeda, iyo mudacyadeeda, iyo dabqaadayaasheeda, oo alaabteeda oo dhan waxaad ka samaysaa naxaas.
4 Oo waa inaad shabag naxaas ah u yeeshaa; oo shabagga dushiisa waa inaad u yeeshaa afar siddo oo naxaas ah oo ku taal afarta gees.
5 Oo waxaad hoos dhigtaa qarka ku wareegsan meesha allabariga, inuu shabaggu gaadho meesha allabariga kalabadhkeeda.
6 Oo meesha allabariga waa inaad u yeeshaa ulo qudhac ah oo lagu qaado, oo waxaad ku dahaadhaa naxaas.
7 Oo ulaheeda waa in siddooyinka laga geliyaa, oo uluhu waa inay meesha allabariga labada dhinac kaga jiraan ha lagu qaadee.
8 Oo waxaad iyada ka samaysaa looxyo, sida sanduuq madhan oo kale, oo sidii buurta lagugu tusay ha u sameeyeen.
9 Oo waa inaad samaysaa barxadda taambuugga; oo barxadda dhinaceeda koonfureed waxaad ka lalmisaa daah maro wanaagsan ah oo dhererkiisu yahay boqol dhudhun,
10 oo tiirarkiisuna waa inay ahaadaan labaatan, iyo labaatan saldhig oo naxaas ah, oo tiirarka qabsatooyinkooda iyo waxyaalaha laysugu wada xidhaa waa inay lacag ahaadaan.
11 Oo sidaas oo kale waa inaad dhinaca woqooyina ka lalmisaa daah ah boqol dhudhun, oo tiirarkiisuna ha ahaadeen labaatan, iyo labaatan saldhig oo naxaas ah, oo tiirarka qabsatooyinkooda iyo waxyaalaha laysugu wada xidhaana lacag ha ahaadeen.
12 Oo barxadda dhinaca galbeed ballaadhkeeda waxaad ka lalmisaa daah konton dhudhun ah, oo tiirarkiisu ha ahaadeen toban, saldhigyadooduna toban.
13 Oo barxadda dhinaca bari ballaadhkeedu waa inuu konton dhudhun ahaado.
14 Oo iridda dhinaceeda waxaad ka lalmisaa daah shan iyo toban dhudhun ah; tiirarkiisuna waa inay ahaadaan saddex, saldhigyadooduna saddex.
15 Oo dhinaca kalena waxaad ka lalmisaa daah shan iyo toban dhudhun ah, tiirarkiisuna waa inay ahaadaan saddex, saldhigyadooduna saddex.
16 Oo barxadda iriddeeda waxaad u yeeshaa daah labaatan dhudhun ah, oo ah buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan oo daabac laga sameeyey, tiirarkiisu ha ahaadeen afar, saldhigyadooduna afar.
17 Oo tiirarka barxadda ku wareegsan oo dhan waa in lacag laysugu wada xidhaa; oo qabsatooyinkooduna waa inay lacag ahaadaan, saldhigyadooduna waa inay naxaas ahaadaan.
18 Barxadda dhererkeedu waa inuu ahaado boqol dhudhun, oo ballaadhkeeduna waa inuu meel walba u ahaadaa konton dhudhun, sarajooggeeduna waa inuu ahaado shan dhudhun, kana samee maro wanaagsan oo saldhigyadooduna ha ahaadeen naxaas.
19 Oo alaabta taambuugga lagaga adeego oo dhan, iyo musmaarradiisa oo dhan, iyo barxadda musmaarradeeda oo dhammu waa inay naxaas wada ahaadaan.
20 Oo waxaad reer binu Israa'iil ku amartaa inay kuu keenaan saliid saafi ah oo saytuun laga tumay oo laambadda lagu shido, si ay laambaddu had iyo goor u baxdo.
21 Taambuugga shirka gudihiisa oo ku yaal ilxidhka dibaddiisa, kuna hor yaalla maragga, fiidka ilaa subaxda waa inay Haaruun iyo wiilashiisu Rabbiga hortiisa ku diyaariyaan laambadda; oo wuxuu reer binu Israa'iil u noqon doonaa qaynuun weligiis u jira ka ab ka ab.'