0:00
0:00

Cutub 29

Markaasaa Boqor Daa'uud shirkii oo dhan ku yidhi, Wiilkayga Sulaymaan oo Ilaahu keligiis doortay, weli wuu yar yahay, waana tabar daranyahay, oo shuqulkuna waa weyn yahay, waayo, guriga nin loo dhisi maayo, laakiinse waxaa loo dhisayaa Rabbiga Ilaaha ah.
2 Haddaba xooggaygii oo dhan ayaan gurigii Ilaahayga u diyaarshay dahabka laga sameeyo alaabta dahabka, iyo lacagta laga sameeyo alaabta lacagta ah, iyo naxaasta laga sameeyo alaabta naxaasta ah, iyo birta laga sameeyo alaabta birta ah, iyo qoriga laga sameeyo alaabta qoriga ah, iyo dhagaxyo onika la yidhaahdo, iyo dhagaxyada la dejiyo oo wax lagu qurxiyo oo midabyo kala cayncayn ah, iyo cayn kasta oo dhagaxyo qaaliya ah, iyo dhagaxyo badan oo marmar ah.
3 Oo weliba anigu aad baan u jeclahay guriga Ilaahayga, oo taas daraaddeed waxaan guriga Ilaahayga siinayaa khasnad mulkigayga ah oo dahab iyo lacag ah, taasoo aan ku jirin wixii aan u diyaariyey gurigii quduuska ah,
4 waxa weeye saddex kun oo talanti oo dahab ah oo weliba ah dahabkii Oofir, iyo toddoba kun oo talanti oo ah lacag la safeeyey, in lagu dahaadho guryaha derbiyadoodii oo dhan,
5 iyo in dahab laga sameeyo alaab dahab ah, iyo in lacag laga sameeyo alaab lacag ah, iyo shuqul kasta oo ay kuwa sancada yaqaan gacmahooda ku qabtaan. Haddaba yaa raalli ka ah oo maantadan nafsaddiisa Rabbiga u bixinaya?
6 Markaas amiirradii reeraha iyo amiirradii qabiilooyinka reer binu Israa'iil iyo kuwii kun kun u taliyey, iyo kuwii boqol boqol u taliyey, iyo taliyayaashii boqorka hawshiisa xukumi jirayba waxay bixiyeen wax ay raalli ka yihiin.
7 Oo adeegidda guriga Ilaah daraaddeed waxay u bixiyeen shan kun oo talanti iyo toban kun oo dirham oo dahab ah, iyo toban kun oo talanti oo lacag ah, iyo siddeed iyo toban kun oo talanti oo naxaas ah, iyo boqol kun oo talanti oo bir ah.
8 Oo kuwii dhagxanta qaaliga ah laga helayna waxay siiyeen khasnaddii guriga Rabbiga, waxaana loo dhiibay gacantii Yexii'eel oo ahaa reer Gershoon.
9 Markaasaa dadkii aad ugu farxay raallinimadii ay raalligooda wax ku bixiyeen aawadeed, maxaa yeelay, iyagu qalbi qumman ayay Rabbiga wax ugu bixiyeen iyagoo raalli ka ah, oo Boqor Daa'uudna farxad weyn buu farxay.
10 Haddaba sidaas daraaddeed ayaa Daa'uud Rabbiga ku ammaanay shirkii oo dhan hortiisa, oo yidhi, Rabbiyow, awowgayo Israa'iil Ilaahiisiiyow, weligaa iyo weligaaba ammaanu ha kuu ahaato.
11 Rabbiyow, weynaanta, iyo xoogga, iyo ammaanta, iyo guusha, iyo haybaddaba adigaa iska leh, waayo, waxa samada ku jira oo dhan iyo waxa dhulka saaranba adigaa iska leh. Rabbiyow, boqortooyada adigaa iska leh, oo adiga waxaa laguu sarraysiiyaa sidii madax wax kasta ka sarreeya.
12 Oo maal iyo sharafuba xaggaagay ka yimaadaan, oo wax kasta adigaa u taliya, oo gacantaadana waxaa ku jira xoog iyo itaal, oo gacantaada weeye midda wax weynayn karta oo qof kastaba xoog siin karta.
13 Haddaba sidaas daraaddeed, Ilaahayagiiyow, waannu kugu mahadnaqaynaa, oo magacaaga haybadda badanna waannu ammaanaynaa.
14 Laakiinse bal anigu yaan ahay, dadkayguse waa ayo, inaan annagu awoodno inaan sidan wax u bixinno annagoo raalli ka ah? Waayo, wax kastaaba xaggaagay ka yimaadeen, oo annana waxaagii baan wax ka siinnay.
15 Waayo, annagu hortaada waxaannu ku nahay shisheeyayaal sodcaal ah, sidii awowayaashayo oo dhammu ay ahaan jireen, oo cimrigayaga aan dhulka joognaana waa sida hoos oo kale, oo wax la filayaana ma jiro.
16 Rabbiyow Ilaahayagiiyow, kaydkan aannu u diyaarinnay inaan guri ugu dhisno magacaaga quduuska ah dhammaantiis wuxuu ka yimid gacantaada oo kulligiisna adigaa iska leh.
17 Weliba waan ogahay, Ilaahayow, inaad qalbiga imtixaantid, oo aad qummanaanta ku faraxdid. Oo aniguna iyadoo qalbigaygu qumman yahay ayaan waxyaalahan oo dhan bixiyey anigoo raalli ah, oo haddana farxad baan ku arkay dadkaaga halkan jooga oo wax bixinaya iyagoo raalli ah.
18 Rabbiyow, awowayaashayo Ibraahim iyo Isxaaq iyo Israa'iil Ilaahoodiiyow, weligaaba saas ka yeel malayaasha fikirrada qalbiga dadkaaga, oo qalbigoodana xaggaaga u soo toosi.
19 Oo wiilkayga Sulaymaanna waxaad siisaa qalbi qumman oo uu ku dhawro amarradaada iyo markhaatigaaga iyo qaynuunnadaada, inuu waxyaalahan oo dhan sameeyo, iyo inuu dhiso gurigii aan wax u sii diyaarshay.
20 Markaasaa Daa'uud wuxuu shirkii oo dhan ku yidhi, Haddaba Rabbiga Ilaahiinna ah ammaana. Kolkaasay shirkii oo dhammu ammaaneen Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood, oo intay madaxa foororiyeen ayay u sujuudeen Rabbiga iyo boqorkaba.
21 Oo subaxdii maalintaas ka dambaysay ayay Rabbiga u bixiyeen allabaryo iyo qurbaanno la gubo oo ah kun dibi, iyo kun wan, iyo kun baraar ah, iyo qurbaannadooda cabniinka ah, iyo allabaryo tiro badan oo reer binu Israa'iil oo dhan loo bixiyey.
22 Oo maalintaas iyagoo aad u faraxsan ayay Rabbiga hortiisa wax ku cuneen oo wax ku cabbeen. Oo Sulaymaan ina Daa'uud ayay mar labaad boqreen, oo isaga Rabbiga ugu subkeen inuu madax ahaado, Saadooqna inuu wadaad ahaado.
23 Markaasaa Sulaymaan carshigii Rabbiga ku fadhiistay isagoo jagadii aabbihiis Daa'uud boqor ka ah, wuuna barwaaqoobay, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna isagay addeeceen.
24 Oo amiirradii oo dhan iyo raggii xoogga badnaa iyo Boqor Daa'uud wiilashiisii kale oo dhammuba Boqor Sulaymaan ayay addeeceen oo ka wada dambeeyeen.
25 Oo Rabbiguna Sulaymaan aad iyo aad buu ugu weyneeyey reer binu Israa'iil oo dhan hortooda, oo wuxuu isaga siiyey boqortooyo haybad leh oo ayan lahaan jirin boqorradii reer binu Israa'iil oo isaga ka horreeyey oo dhammu.
26 Haddaba Daa'uud ina Yesay wuxuu boqor u ahaan jiray reer binu Israa'iil oo dhan.
27 Oo wakhtigii uu reer binu Israa'iil boqor u ahaana wuxuu ahaa afartan sannadood; toddoba sannadood ayuu Xebroon boqor ka ahaa, saddex iyo soddon sannadoodna wuxuu boqor ka ahaa Yeruusaalem.
28 Oo wuxuu dhintay isagoo oday ah oo ka dhergay cimri, iyo maal, iyo sharafba, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Sulaymaan.
29 Haddaba Boqor Daa'uud falimihiisii, intii hore iyo intii dambeba, waxay ku qoran yihiin taariikhdii Samuu'eel oo wax arke ahaa, iyo taariikhdii Nebi Naataan, iyo taariikhdii Gaad oo isna wax arke ahaa.
30 Oo waxaa halkaas ku qoran kulli wakhtiyadii ay soo mareen boqortooyadiisii iyo xooggiisii, iyo wakhtiyadii ay isaga iyo reer binu Israa'iil, iyo boqortooyooyinkii waddammada oo dhammuba soo mareen.