0:00
0:00

Cutub 11

Oo dadka amiirradiisii waxay degeen Yeruusaalem, oo dadka intiisii kalena waxay saami u riteen inay tobankii qofba mid ka soo bixiyaan inuu dego magaalada quduuska ah oo Yeruusaalem, oo sagaalka qof oo kalena ay degaan magaalooyinka kale.
2 Oo dadkiina waxay u duceeyeen dadkii ikhtiyaarkooda isu bixiyey inay Yeruusaalem degganaadaan.
3 Haddaba kuwanu waa madaxdii gobolka oo Yeruusaalem degay, laakiinse magaalooyinkii dalka Yahuudah mid waluba wuxuu degay meeshii hantidiisii ahayd oo ku tiil magaalooyinkoodii, oo waxay ahaayeen reer binu Israa'iil, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo reer Netiiniim, iyo carruurtii addoommadii Sulaymaan.
4 Oo Yeruusaalemna waxaa degay kuwo reer Yahuudah ah, iyo kuwo reer Benyaamiin ah. Kuwii reer Yahuudah waxay ahaayeen: Cataayaah, oo ahaa ina Cusiyaah ina Sekaryaah, ina Amaryaah, ina Shefatyaah, ina Mahalaleel, oo ahaa reer Feres,
5 iyo Macaseeyaah oo ahaa ina Baaruug, ina Kaalxoseh, ina Xasaayaah, ina Cadaayaah, ina Yooyaariib, ina Sekaryaah oo ahaa kii uu dhalay kii reer Shiilonii.
6 Raggii reer Feres oo Yeruusaalem degganaa oo dhammu waxay ahaayeen afar boqol iyo siddeed iyo lixdan nin oo xoog leh.
7 Oo intanuna waa kuwii reer Benyaamiin: Sallu oo ahaa ina Meshullaam, ina Yooceed, ina Fedaayaah, ina Qoolaayaah, ina Macaseeyaah, ina Iitii'eel, ina Yeshacyaah.
8 Oo isaga dabadiisna waxaa jiray Gabbay, iyo Sallay, oo waxay ahaayeen sagaal boqol iyo siddeed iyo labaatan.
9 Oo waxaa madax u ahaa Yoo'eel oo ahaa ina Sikrii; oo Yahuudah oo ahaa ina Hasenu'aahna wuxuu ahaa kan labaad oo magaalada u taliya.
10 Oo wadaaddadiina waxay ahaayeen Yedacyaah oo ahaa ina Yooyaariib iyo Yaakiin,
11 iyo Seraayaah oo ahaa ina Xilqiyaah, ina Meshullaam, ina Saadooq, ina Meraayood, ina Axiituub oo u talin jiray guriga Ilaah,
12 iyo walaalahoodii ka shaqayn jiray guriga, oo waxay ahaayeen siddeed boqol iyo laba iyo labaatan, iyo Cadaayaah oo ahaa ina Yeroxaam, ina Felaliyaah, ina Amsii, ina Sekaryaah, ina Fashxuur, ina Malkiiyaah,
13 iyo walaalihiis oo ahaa madaxdii qabiilooyinka, oo waxay ahaayeen laba boqol iyo laba iyo afartan, iyo Camashay oo ahaa ina Casareel, ina Axsay, ina Meshilleemood, ina Immeer;
14 iyo walaalahood oo ahaa rag xoog leh, oo waxay ahaayeen boqol iyo siddeed iyo labaatan; oo madaxooduna wuxuu ahaa Sabdii'eel oo ahaa ina Haggedooliim.
15 Kuwii reer Laawina waxay ahaayeen Shemacyaah oo ahaa ina Xashuub, ina Casriiqaam, ina Xashabyaah, ina Bunnii;
16 iyo Shabbetay iyo Yoosaabaad oo ka mid ahaa madaxdii reer Laawi, oo hawsha dibadda oo guriga Ilaah dusha ka ilaalin jiray,
17 iyo Matanyaah oo ahaa ina Miikaa, ina Sabdii, ina Aasaaf, oo ahaa madaxda mahadnaqidda tukashada, iyo Baqbuqyaah oo ahaa kan labaad walaalihiis dhexdooda, iyo Cabdaa oo ahaa ina Shammuuca, ina Gaalaal, ina Yeduutuun.
18 Kuwii reer Laawi oo dhan oo magaalada quduuska ah joogay waxay ahaayeen laba boqol iyo afar iyo siddeetan.
19 Oo weliba irid-dhawryadii oo ahaa Caquub, iyo Talmon, iyo walaalahood oo irdaha dhawri jiray waxay ahaayeen boqol iyo laba iyo toddobaatan.
20 Oo intii ka hadhay reer binu Israa'iil oo ahaa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi waxay joogeen magaalooyinka dalka Yahuudah oo dhan, oo mid waluba wuxuu degganaa dhulkii uu dhaxalka u helay.
21 Laakiinse kuwii reer Netiiniim waxay degeen Cofel, oo waxaa reer Netiiniim madax u ahaa Siixaa iyo Gishfaa.
22 Oo kuwii reer Laawi oo Yeruusaalem joogayna waxaa madax u ahaa Cusii oo ahaa ina Baanii, ina Xashabyaah, ina Matanyaah, ina Miikaa, oo ka mid ahaa reer Aasaaf oo ahaa kuwii gabayaaga ahaa, oo u talin jiray hawsha guriga Ilaah.
23 Waayo, waxaa jiray amar iyaga ku saabsan oo boqorka ka yimid, oo kuwii gabayaaga ahaa waxaa loo xukumay sooryo rukun ah siday maalin walba ugu baahnaayeen.
24 Oo Fetaxyaah oo ahaa ina Mesheysabeel oo ahaa reer Serax, ina Yahuudah, boqorkuu wakiil uga ahaa wax alla wixii dadka xaalkiisa ku saabsan.
25 Xagga tuulooyinkii iyo beerahooda qaar reer Yahuudah ah waxay degganaayeen Qiryad Arbac iyo magaalooyinkeedii, iyo Diibon iyo magaalooyinkeedii, iyo Yeqabseel iyo tuulooyinkeedii,
26 iyo Yeeshuuca, iyo Molaadaah, iyo Beytfeled,
27 iyo Xasar Shuucaal, iyo Bi'ir Shebac iyo magaalooyinkeedii,
28 iyo Siiqlag, iyo Mekonaah iyo magaalooyinkeedii,
29 iyo Ceyn Rimmoon, iyo Sorcaah, iyo Yarmuud,
30 iyo Saanoo'ax, iyo Cadullaam, iyo tuulooyinkoodii, iyo Laakiish iyo beeraheedii, iyo Caseeqaah iyo magaalooyinkeedii. Sidaasay u degeen Bi'ir Shebac ilaa dooxadii Xinnom.
31 Oo reer Benyaamiinna waxay degeen inta laga bilaabo Gebac, iyo Mikmaash, iyo Cayaa, iyo Beytel iyo magaalooyinkeeda,
32 iyo Canaatood, iyo Nob, iyo Cananyaah,
33 iyo Xaasoor, iyo Raamaah, iyo Gitayim,
34 iyo Xaadiid, iyo Seboyim, iyo Neballaad,
35 iyo Lod, iyo Oonoo oo ahayd dooxadii kuwa sancada badan.
36 Oo kuwii reer Laawi oo reer Yahuudah ku dhex jiray qaybahoodii qaarkood ayaa ku darsamay reer Benyaamiin.