0:00
0:00

Cutub 31

Waxaan axdi la dhigtay indhahayga, Haddaba bal sidee baan gabadh u fiirinayaa?
2 Waayo, waa maxay qaybta laga helo Ilaaha xagga sare jooga, Iyo dhaxalka laga helo Ilaaha Qaadirka ah oo sarreeya?
3 Sow belaayo uma aha kuwa xaqa daran, Iyo masiibo kuwa xumaanta ka shaqeeya?
4 Isagu sow uma jeedin socodkayga oo dhan? Oo sow ma tirinin tallaabooyinkayga oo dhan?
5 Haddaan hawo been ah ku socday, Oo ay cagtaydu khiyaano u dheeraysay,
6 (Ha laygu miisaamo miisaan siman, Si Ilaah ku ogaado daacadnimadayda, )
7 Haddii tallaabadaydu jidka gees uga leexatay, Oo qalbigaygu uu indhahayga raacay, Iyo haddii ay bar ceeb ahu gacmahayga ku dhegtay,
8 Markaas anigu aan wax beero, oo mid kale ha cuno, Oo xataa waxa beertayda ka soo baxa ha la wada rujiyo.
9 Haddii qalbigayga ay naagu sasabatay, Oo aan albaabka deriskayga ku ag dhuuntay,
10 Markaas naagtaydu nin kale wax ha u shiiddo, Oo kuwa kale ha ku kor foororsadeen iyada.
11 Waayo, kaasu waa dembi baas, Oo waa xumaan ay xaakinnadu ciqaabi lahaayeen,
12 Waayo, kaasu waa dab wax dhammeeya ilaa uu baabbi'iyo, Oo waxa ii soo baxa oo dhan wuu wada rujin lahaa.
13 Haddaan addoonkayga ama addoontayda dacwadooda quudhsaday, Markay ila mudacayeen,
14 Haddaba bal maxaan samayn doonaa markii Ilaah sara joogsado? Oo markuu i soo booqdose bal maxaan ugu jawaabi doonaa?
15 Kii uurka dhexdiisa igu abuuray sow isagana ma abuurin? Oo sow uurka nalaguma dhex samayn?
16 Haddaan miskiin u diiday wax uu doonayay, Ama aan indhaha carmalka illin ka keenay,
17 Amase haddaan quudkayga keligay cunay, Oo ayan agoontu wax ka cunin,
18 (Saas ma aha, laakiinse isaga tan iyo yaraantaydii waan koriyey sidii mid aabbihiis koriyo oo kale, Oo tan iyo markaan uurkii hooyaday ka soo baxayna waxaan iyada u ahaan jiray horseed, )
19 Haddaan arkay qof arrad daraaddiis u dhimanaya, Amase sabool baahan oo aan dhar haysan,
20 Hadduusan uurka iiga ducayn, Amase hadduusan isku kululayn dhogorta idahayga,
21 Caawimaaddaydii oo aan iridda uga jeeday daraaddeed, Haddaan agoon gacantayda u qaaday,
22 Markaas garabkaygu ha kala fakado, Oo gacantayduna kalagooyska ha ka jabto.
23 Waayo, masiibo xag Ilaah ka timid ayaa i cabsiisay, Oo sarraysnaantiisa daraaddeedna anigu waxba ma aanan samayn karin.
24 Haddaan dahab rajo ka dhigtay, Oo aan dahabka saafiga ah ku idhi, Kalsoonidayda baad tahay,
25 Haddaan ku reyreeyey maalkayga badan daraaddiis, Iyo waxyaalaha badan oo gacantaydu heshay daraaddood,
26 Haddaan fiiriyey qorraxda oo dhalaalaysa, Ama dayaxa oo iftiin ku socda,
27 Oo markaas qalbigayga haddii qarsoodi loo sasabtay, Oo anoo caabudaya aan afkayga gacanta ugu dhunkaday,
28 Kaasu weliba waa dembi ay xaakinnadii ciqaabi lahaayeen, Waayo, waxaan daacadlaawe u ahaan lahaa Ilaaha wax walba ka sarreeya.
29 Haddaan ku reyreeyey kan i neceb halligaaddiisa, Ama aan aad u farxay markii belaayadu isaga heshay,
30 (Afkayga uma aanan oggolaan inuu ku dembaabo Naftiisa oo aan habaar u weyddiisto;)
31 Dadka teendhadayda jooga haddayan isku odhan, Yaa heli kara mid aan hilibkiisa ka dhergin?
32 Shisheeyuhu jidka kuma baryi jirin, Laakiinse socotada ayaan albaabbadayda u furi jiray,
33 Haddaan xadgudubkaygii daboolay sidii binu-aadmiga oo kale, Anigoo xumaantayda laabtayda ku qarinaya,
34 Maxaa yeelay, dadka badan waan ka baqay, Oo quudhsiga qaraabaday ayaa i cabsiiyey, Oo saas aawadeed ayaan ku aamusay, oo dibadda uma bixin.
35 Hoogaye haddaan lahaan lahaa mid i maqla! (Bal eeg, waa tan calaamaddaydii, haddaba Ilaaha Qaadirka ahu ha ii jawaabo;) Yaa i siinaya eedayntii uu cadowgaygu iga qoray!
36 Sida xaqiiqada ah garabkaygaan ku qaadan lahaa, Oo weliba madaxaan ku xidhan lahaa sidii taaj oo kale.
37 Oo waxaan isaga u sheegi lahaa tirada tallaabooyinkaygu inta ay tahay; Oo waxaan isaga ugu soo dhowaan lahaa sidii amiir oo kale.
38 Haddii dalkaygu uu iga qayliyo, Oo jeexjeexiisu ay dhammaantood wada ooyaan,
39 Haddaan midhihiisa lacagla'aan ku cunay, Ama aan sabab u noqday in kuwii lahaa ay dhintaan,
40 Sarreenka meeshiisii yamaarug ha ka soo baxo, Oo shiciirka meeshiisiina gocondho ha ka soo baxdo. Ayuub erayadiisii way dhammaadeen.