0:00
0:00

Cutub 11

Lubnaanay, albaabbadaada fur in dab baabbi'iyo geedahaaga kedarka ah.
2 Geed beroosh ahow, ooya, waayo, geedkii kedarka ahaa waa dhacay, maxaa yeelay, kuwii qurqurxoonaa waa la kharribay. Kuwiinna geedaha alloonka ah oo Baashaan yahow, ooya, waayo, kayntii adkayd waa dhacday.
3 Waxaa yeedhaya codkii baroortii adhijirrada! Waayo, sharaftoodii waa la kharribay! Waxaa yeedhaya codkii cida aaran libaaxyada! Waayo, kibirkii Urdun waa la kharribay.
4 Rabbiga Ilaahayga ahu wuxuu yidhi, Daaji idaha la qalayo.
5 Kuwii hantidooda lahaa way gowracaan, oo isumana ay haystaan inay eed leeyihiin, oo kuwa iyaga soo iibiyaana mid kastaaba wuxuu leeyahay, Mahad waxaa leh Rabbiga, waayo, taajir baan noqday, oo adhijirradooduna uma ay naxaan iyaga.
6 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu mar dambe u sii nixi maayo dadka dalka deggan, laakiinse bal eeg, nin kastaba waxaan ku ridi doonaa gacanta deriskiisa, iyo gacanta boqorkiisa, oo iyana dalkay ku dhufan doonaan, oo gacantooda kama aan samatabbixin doono.
7 Markaasaan daajiyey idaha la qalayo, oo sida xaqiiqada ah waxay ahaayeen idaha ugu miskiinsan. Oo waxaan soo qaatay laba ulood, oo mid waxaan u bixiyey Raallinimo, middii kalena waxaan u bixiyey Xidhiidh, oo idihii waan daajiyey.
8 Oo saddexdii adhijirba isku bil baan baabbi'iyey, waayo, naftaydu way ka daashay, oo weliba naftooduna way iga neceen.
9 Markaasaan idhi, Anigu idin daajin maayo. Kii dhimanayaa ha dhinto, kii halligmayaana ha halligmo, oo intii hadhana mid waluba kan kale hilibkiisa ha cuno.
10 Oo waxaan soo qaatay ushaydii aan Raallinimo u bixiyey, oo waan kala jebiyey, si aan u jebiyo axdigaygii aan dadyowga oo dhan la dhigtay.
11 Oo maalintaasuu jabay, oo sidaasay kuwii idaha u miskiinsanaa oo i dhegaystay u ogaadeen in kaasu yahay Eraygii Rabbiga.
12 Oo waxaan iyagii ku idhi, Hadday idinla wanaagsan tahay, kiradaydii i siiya, haddii kalese iska daaya. Sidaas daraaddeed waxay kiradaydii iigu miisaameen soddon gogo' oo lacag ah.
13 Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Dheryasameeyaha u tuur qiimihii wanaagsanaa oo ay igu qiimeeyeen. Oo anna waxaan soo qaaday soddonkii gogo' oo lacagta ahaa, kolkaasaan guriga Rabbiga ugu tuuray dheryasameeyaha.
14 Oo haddana waxaan kala jebiyey ushaydii kale oo aan Xidhiidh u bixiyey, inaan kala gooyo walaalnimadii dadka dalka Yahuudah iyo dadka dalka Israa'iil ka dhexaysay.
15 Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Haddana mar kale waxaad qaadataa adhijir nacas ah alaabtiis.
16 Waayo, bal eeg, waxaan dalka ka dhex kicin doonaa adhijir aan soo booqanayn kuwa ambaday, oo aan doondoonayn kuwa kala firdhay, oo aan bogsiinayn kii jaban, oo aan daajinayn kii feyow, laakiinse isagu wuxuu cuni doonaa hilibka baruurta, oo raafafkoodana wuu kala dildillaacin doonaa.
17 Waxaa iska hoogay adhijirka waxtarlaawaha ah oo adhiga isaga taga! Seef baa ku dhici doonta gacantiisa iyo ishiisa midig. Gacantiisu dhammaanteed way engegi doontaa, oo ishiisa midigna kulligeed way madoobaan doontaa.