0:00
0:00

Cutub 11

Haddaba rasuulladii iyo walaalihii Yahuudiya joogay ayay waxay maqleen in dadka aan Yuhuudda ahaynna ay ereygii Ilaah aqbaleen.
2 Oo markii Butros Yeruusaalem yimid, kuwii ka mid ahaa kuwii gudnaa ayaa la murmay isagii,
3 oo waxay ku yidhaahdeen, Waxaad u tagtay niman aan la gudin, waadna la cuntay.
4 Laakiin Butros wuxuu bilaabay inuu sheekadii ugu sheego siday isugu xigtay, oo wuxuu yidhi.
5 Anigu waxaan joogay magaalada Yaafaa la yidhaahdo oo waan tukanayay, markaas waxaan khilaawo ku arkay riyo oo ahayd weel soo degaya sida shiraaq weyn oo kale oo afartiisa geesood samada lagaga soo dejinayo; wuuna ii soo dhowaaday,
6 oo markaan aad u fiiriyey, ayaan ka fikiray oo waxaan arkay xayawaankii afarta lugood lahaa oo dhulka, iyo dugaagta, iyo waxa gurguurta, iyo haadda cirka.
7 Oo waxaan maqlay cod igu leh, Kac, Butrosow, gowrac oo cun.
8 Laakiin waxaan idhi, Saas yaanay noqon, Rabbiyow, maxaa yeelay, wax xaaraan ah oo aan nadiif ahayn, weligay afkayga ma gelin.
9 Laakiin markii labaad cod baa samada ka soo jawaabay oo yidhi, Wixii Ilaah nadiifiyey, xaaraan ha ka dhigin.
10 Taasna waxay dhacday saddex goor; markaasaa dhammaantood mar labaad samada kor loogu bixiyey.
11 Oo bal eega, markiiba saddex nin baa istaagtay gurigaannu joognay hortiisa, kuwaasoo la iiga soo diray Kaysariya.
12 Ruuxuna wuxuu ii sheegay inaan raaco iyaga, anoo aan shaki lahayn. Oo lixdatan walaalaha ihina way i raaceen; waxaannan galnay ninkii gurigiisii;
13 markaasuu wuxuu noo sheegay siduu gurigiisa ugu arkay malaa'igta taagan oo ku leh, Yaafaa cid u dir oo uga soo yeedh Simoon kan la yidhaahdo Butros;
14 kaasoo kugula hadli doona hadallo aad ku badbaadi doontid, adiga iyo dadka gurigaaga oo dhammiba.
15 Oo kolkaan bilaabay inaan hadlo ayaa Ruuxa Quduuska ah ku soo degay iyaga siduu bilowgii inoogu soo degay innagana.
16 Markaasaan xusuustay ereygii Rabbiga, siduu u yidhi, Runtii Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay biyo; laakiin idinka waxaa laydinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah.
17 Haddaba haddii Ilaah iyaga siiyey isku hadiyaddii, siduu inoo siiyey markii aynu Rabbi Ciise Masiix rumaysannay, anigu kumaan ahaa kaygan Ilaah diidi karaa?
18 Oo markay waxyaalahaas maqleen, ayay dooddii ka aamuseen, Ilaah bayna ammaaneen, oo waxay yidhaahdeen, Haddaba xataa dadka aan Yuhuudda ahaynna Ilaah baa siiyey toobadkeen inay nolol helaan.
19 Haddaba kuwii u kala firidhsanaa, dhibaatadii kacday Istefanos aawadiis, waxay u sodcaaleen tan iyo Foynike iyo Qubrus iyo Antiyokh, iyagoo aan ereyga kula hadlin ninna, Yuhuudda oo keliya mooyaane.
20 Laakiin waxaa jiray qaar iyaga ka mid ah oo ahaa niman reer Qubrus iyo reer Kuranaya ahaa, kuwaasoo, kolkay Antiyokh yimaadeen, xataa Gariiggiina la hadlay, iyagoo ku wacdiyaya Rabbi Ciise.
21 Gacanta Rabbiguna waa la jirtay iyaga; oo kuwa tiro badan oo rumaystay baa Rabbiga u soo jeestay.
22 Oo warkii iyaga ku saabsanaa baa wuxuu soo gaadhay kiniisaddii Yeruusaalem ku tiil; markaasay Barnabas tan iyo Antiyokh u direen;
23 kaasoo farxay markuu yimid oo arkay nimcada Ilaah; wuxuuna kulligood ku waaniyey inay Rabbiga ku xajistaan niyad qalbiga ka timid,
24 maxaa yeelay, nin wanaagsan buu ahaa oo waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah iyo rumaysad; dad badan baana Rabbiga u kordhay.
25 Markaasuu Tarsos tegey inuu Sawlos ka doono;
26 markuu soo helayna, ayuu Antiyokh keenay. Waxaana dhacday inay sannad dhan kiniisadda la urureen oo ay dad badan wax bareen, oo meeshii ugu horraysay ee xertii loogu yeedhay Masiixiyiin waxay ahayd Antiyokh.
27 Wakhtigaas waxaa Yeruusaalem ka yimid nebiyo inay Antiyokh tagaan.
28 Markaasaa mid iyaga ka mid ah oo Agabos la odhan jiray ayaa istaagay, oo wuxuu Ruuxa ku sheegay in abaar weyni dunida ku dhici doonto, taas oo dhacday wakhtigii Kalawdiyos.
29 Markaasaa mid kasta oo xertii ka mid ihiba, sidii tabartiisu ahayd, wuxuu goostay inuu caawimaad u diro walaalihii Yahuudiya jooga,
30 oo sidaasay yeeleen, oo waxay waayeelladii ugu sii dhiibeen gacanta Barnabas iyo Sawlos.