0:00
0:00

Cutub 11

Markaasaa waxaa lay siiyey cawsduur ul u eg, oo waxaa laygu yidhi, Sara joogso, oo qiyaas macbudka Ilaah, iyo meesha allabariga, iyo kuwa Ilaah ku caabuda meeshaas.
2 Oo barxadda macbudka dibaddiisa ku taal iska daa, oo ha qiyaasin; waayo, iyada waxaa la siiyey quruumaha; oo magaalada quduuska ahna waxay ku tuman doonaan intii laba iyo afartan bilood ah.
3 Oo labadayda markhaati waxaan siin doonaa xoog ay wax ku sii sheegaan kun iyo laba boqol iyo lixdan maalmood, iyagoo jawaanno qaba.
4 Oo kuwanu waa labada geed oo saytuunka ah iyo labada laambadood oo hor taagan Rabbiga dhulka.
5 Oo haddii nin damco inuu wax yeelo, dab baa afkooda ka soo bixi doona oo gubi doona cadaawayaashooda; oo haddii nin damco inuu wax yeelo, waa in saas loo dilo.
6 Kuwanu waxay leeyihiin amar ay samada ku xidhaan, si aan roob u di'in inta ay wax sii sheegayaan, oo waxay kaloo leeyihiin amar ay biyaha dhiig kaga dhigaan oo ay dhulkana ugu soo dejiyaan belaayo kasta mar alla markii ay doonayaan.
7 Oo markii ay dhammeeyaan markhaatifuridda waxaa la diriri doonaa bahalka yamayska ka soo bixi doona, oo wuu ka adkaan doonaa, wuuna dili doonaa iyaga.
8 Oo meydadkoodu waxay oolli doonaan jidka magaalada weyn oo xagga ruuxa laga yidhaahdo Sodom iyo Masar, halkaasoo Rabbigooda iskutallaabta lagu qodbay.
9 Oo saddex maalmood iyo badh ayaa waxaa meydadkooda daawan doona dad ka yimid dadadka iyo qabiilooyinka iyo afafka iyo quruumaha; oo umana ay oggolaan doonaan in meydadkooda qabri la geliyo.
10 Oo kuwa dhulka degganuna way ku farxi doonaan oo rayrayn doonaan, oo midkoodba midka kale wuxuu u diri doonaa hadiyado; maxaa yeelay, labadan nebi waxay saxariiriyeen kuwa dhulka deggan.
11 Oo saddex maalmood iyo badh dabadeed waxaa iyaga soo gashay neeftii nolosha oo xagga Ilaah ka timid, markaasay cagahoodii ku istaageen; oo kuwii iyaga daawadayna waxaa ku soo degtay cabsi weyn.
12 Oo waxay samada ka maqleen cod weyn oo ku leh, Halkan soo fuula. Markaasay samada tegeen iyagoo daruur ku dhex jira, oo cadaawayaashoodiina way arkeen.
13 Oo saacaddaasna waxaa dhacay dhulgariir weyn, oo magaaladii toban meelood oo meel ayaa duntay; oo dhulgariirkii wuxuu dilay toddoba kun oo qof, oo intoodii kalena way cabsadeen, oo waxay ammaaneen Ilaaha samada.
14 Oo hooggii labaadna wuu dhammaaday; oo bal eeg, hooggii saddexaadna dhaqsuu u imanayaa.
15 Markaasaa waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii toddobaad, oo waxaa samada ka yeedhay codad waaweyn, oo waxay yidhaahdeen, Boqortooyadii dunidu waxay noqotay boqortooyadii Rabbigeenna iyo Masiixiisa, oo isna boqor buu ahaan doonaa weligiis iyo weligiis.
16 Oo afar iyo labaatankii oday oo carshiyadooda ku fadhiyey Ilaah hortiisa way dhaceen, oo intay wejigooda dhulka saareen, ayay Ilaah caabudeen, iyagoo leh,
17 Rabbiyow Ilaaha Qaadirkaa oo jira oo jirayow, mahad baannu kuu naqaynaa; maxaa yeelay, waxaad qaadatay xooggaagii weynaa, oo wax baad xukuntay.
18 Oo quruumihiina way cadhoodeen, oo waxaa yimid cadhadaadii iyo wakhtigii kuwii dhintay la xukumi lahaa iyo wakhtigii abaalgudkooda la siin lahaa nebiyada addoommadaada ah iyo quduusiinta iyo kuwa magacaaga ka cabsada, yaryar iyo waaweynba, oo la baabbi'in lahaa kuwa dhulka baabbi'iya.
19 Markaasaa waxaa samada laga furay macbudkii Ilaah; oo waxaa macbudkiisa gudihiisa ka muuqday sanduuqii axdigiisa; markaasaa waxaa soo dhacay hillaac, iyo codad, iyo onkod, iyo dhulgariir, iyo roob dhagaxyaale oo weyn.