Imaan


  • Haddaba rumaysadku wuxuu ka yimaadaa maqlidda, maqlidduna waxay ku timaadaa ereyga Masiixa.
    ROOMA 10:17
  • Qalbigaaga dhammaantii Rabbiga ku aamin, Oo waxgarashadaadana ha isku hallayn. Jidadkaaga oo dhan isaga ku qiro, Oo isna waddooyinkaaguu toosin doonaa.
    MAAHMAAHYADII 3:5, 6
  • Ciise wuxuu ku yidhi, Haddaad rumaysan karaysid, wax waluba waa u suurtoobaan ka rumaysan.
    MARKOS 9:23
  • Sidaas daraaddeed haddii qof Masiix ku jiro waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore way idlaadeen, bal eega, wax waliba way cusboonaadeene.
    2 KORINTOS 5:17
  • Waayo, wax aan Ilaah kari doonin ma jiro.
    LUUKOS 1:37
  • Markaasuu indhahooda taabtay isagoo leh, Sida rumaysadkiinnu yahay ha idiin noqoto.
    MATAYOS 9:29
  • Rumaysadku waa hubaasha waxyaalaha la rajeeyo, iyo xaqiiqaynta waxyaalaha aan la arkin.
    CIBRAANIYADA 11:1
  • Laakiin haddii midkiin xigmad u baahan yahay, ha ka baryo Ilaah, kan kulli si deeqsinimo ah u siiya isagoo aan canaanan, oo waa la siin doonaaye. Laakiin rumaysad ha ku baryo, isagoo aan shakiyayn, waayo, kii shakiyaa wuxuu la mid yahay hirka badda oo dabayshu kaxayso oo rogrogto. Ninkaasu yuusan u malayn inuu Rabbiga wax ka heli doono. Labaqalbiiluhu wuu ka rogrogmadaa socodkiisa oo dhan.
    YACQUUB 1:5-8
  • Oo rumaysadla'aantiis ma suurtowdo in isaga laga farxiyo, taas aawadeed kan Ilaah u yimaadaa waa inuu rumaysto inuu jiro oo uu yahay kan u abaalguda kuwa isaga doondoona.
    CIBRAANIYADA 11:6
  • Sida jidhkii aan ruux lahaynu meyd u yahay, sidaas oo kaluu rumaysadkii aan shuqullo lahaynuna meyd u yahay.
    YACQUUB 2:26
  • Laakiinse kii shakiya, hadduu cuno, waa xukuman yahay, maxaa yeelay, rumaysad wax kuma cuno, oo wax kastoo aan rumaysadka ka imaninu waa dembi.
    ROOMA 14:23
  • Laakiin kayga xaqa ahu rumaysad buu ku noolaan doonaa; Oo hadduu dib u noqdo, naftaydu kuma farxi doonto isaga.
    CIBRAANIYADA 10:38
  • Oo in kastoo uu i dilo, weli waan rajaynayaa, Habase yeeshee hortiisaan kula xaajoonayaa.
    AYUUB 13:15
  • Waayo, Sayidka Rabbiga ah oo ah kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil wuxuu yidhi, Soo noqosho iyo nasasho ayaad ku badbaadi doontaan, oo xasilloonaan iyo kalsooni ayaad xoog ku yeelan doontaan, laakiinse ma aydaan doonayn.
    ISHACYAAH 30:15
  • haddii aynu nahay aaminlaawayaal, isagu weli waa aamin; waayo, isagu isma burin karo.
    2 TIMOTEYOS 2:13
  • Ku alla kii ka dhashay Ilaah, wuxuu ka adkaadaa dunida, oo waxaa libta ka adkaata dunida ah rumaysadkeenna.
    1 YOOXANAA 5:4
  • oo weliba waxaa kaloo aad qaadataan gaashaanka rumaysadka, kaas oo aad ku awoodaysaan inaad ku wada demisaan kan sharka leh fallaadhihiisa ololaya oo dhan.
    EFESOS 6:16
  • Wuxuu ku yidhi, Waa rumaysadyaraantiinna aawadeed. Runtii waxaan idinku leeyahay, Haddaad leedihiin rumaysad iniin khardal le'eg, waxaad buurtan ku odhan doontaan, Halkan ka dhaqaaq oo halkaas tag, wayna dhaqaaqi doontaa, oo waxba ma kari waayi doontaan.
    MATAYOS 17:20
  • innagoo fiirinayna Ciise oo ah Bilaabaha iyo Dhammeeyaha rumaysadkeenna, kii farxaddii hor tiil daraaddeed u adkaystay iskutallaabta, isagoo fududaysanaya ceebta, oo fadhiistay midigta carshiga Ilaah.
    CIBRAANIYADA 12:2
  • Sidaas daraaddeed innagoo xaq laynagaga dhigay rumaysad, nabad baynu xagga Ilaah ku haysannaa Rabbigeenna Ciise Masiix;
    ROOMA 5:1
  • Yesu akajibu, akamwambia, Mwaminini Mungu.
    MARKOS 11:22
  • Taas waad ku faraxsan tihiin in kastoo, haddii ay waajib tahay, aad haatan wakhti yar ku murugootaan jirrabaaddo badan oo kala cayncayn ah. Si loo tijaabiyo rumaysadkiinna, oo aad uga sii qaalisan dahabka oo ah wax baabba'a in kastoo dab lagu tijaabiyo. Markaasaa laga helayaa mahad iyo ammaan iyo ciso markii Ciise Masiix la muujiyo. Isaga ma aydin arkin, waadse jeceshihiin, hadda in kastoo aydnaan arkin, waadse rumaysan tihiin, oo waxaad ku faraxdaan farxad aan la sheegi karin oo ammaan leh. Waxaadna helaysaan waxa rumaysadkiinnu ku dhammaado oo ah badbaadada naftiinna.
    1 BUTROS 1:6-9