Dagaal


  • oo ha ku yidhaahdo, Reer binu Israa'iilow, maqla, maanta waxaad ku soo dhowaanaysaan dagaal aad cadaawayaashiinna kula diriraysaan, haddaba qalbigiinnu yuusan itaal darnaan, oo ha cabsanina, hana gariirina, iyagana ha ka baqina,
    SHARCIGA KUNOQO 20:3
  • Mahad waxaa leh Rabbiga dhagaxayga weyn ah, Oo gacmahayga dagaalka bara, Farahaygana dirirta bara,
    SABUURRADII 144:1
  • Anigu waxaan kugu leeyahay, Butros baad tahay, oo dhagaxan ayaan ka dul dhisan doonaa kiniisaddayda, oo albaabbadii Haadees kama adkaan doonaan.
    MATAYOS 16:18
  • Ilaah baa mahad leh kan had iyo goorba libta inagu siiya Masiix, oo meel walba udgoonka aqoontiisa gaadhsiiya, ee innaga inaga gaadhsiiya.
    2 KORINTOS 2:14
  • in sida hodantinimada ammaantiisu ay tahay uu idin siiyo itaal aad Ruuxiisa kaga xoogaysataan xagga gudihiinna,
    EFESOS 3:16
  • Dagaalka wanaagsan oo iimaanka dagaallan, oo qabso nolosha weligeed ah, oo laguugu yeedhay, oo aad qirashada wanaagsan ku hor qiratay markhaatiyaal badan.
    1 TIMOTEYOS 6:12
  • Dhibaato ka qayb qaado sida askari wanaagsan oo Ciise Masiix.
    2 TIMOTEYOS 2:3
  • Nin askari ahi, si uu uga farxiyo kii isaga askari ahaanta u qortay, iskuma murgiyo axwaasha noloshan,
    2 TIMOTEYOS 2:4
  • Aabbayaashow, wax baan idiin soo qoray, maxaa yeelay, waad garanaysaan kan tan iyo bilowgii jira. Ragga dhallinyarada ahow, wax baan idiin soo qoray, maxaa yeelay, waad xoog weyn tihiin, oo ereyga Ilaah baa idinku jira, oo kan sharka ah ayaad ka adkaateen.
    1 YOOXANAA 2:14
  • Gacaliyayaalow, intaan aad u dadaalayay inaan idiin soo qoro wax ku saabsan badbaadada inaga dhexaysa, waxaa dirqi igu noqday inaan idiin soo qoro oo aan idinku waaniyo inaad aad ugu dadaashaan iimaankii mar la wada siiyey quduusiinta oo dhan.
    YUUDAS 3