Dacaadnimo


  • Been ha isu sheegina, waayo, idinku waad iska xoorteen dabiicaddii hore iyo falimaheediiba,
    KOLOSAY 3:9
  • Ninna shar shar ha uga celinina. Ka fikira inaad samaysaan waxa wanaagsan dadka oo dhan hortiisa.
    ROOMA 12:17
  • waayo, waxaannu ka tashannaa waxyaalaha wanaagsan, mana aha Rabbiga hortiisa oo keliya, laakiin dadka hortiisana.
    2 KORINTOS 8:21
  • Kafaddii khiyaano ah Rabbigu aad buu u karhaa, Laakiinse dhagaxii miisaanka oo xaq ah wuu ku farxaa. ... Kuwa qumman waxaa kaxayn doonta daacadnimadooda, Laakiinse khaayinnada qalloocnaantoodu waa baabbi'in doontaa iyaga.
    MAAHMAAHYADII 11:1, 3
  • Kan sharka leh waxaa u dabin ah xadgudubka bushimihiisa, Laakiinse kan xaqa ahu dhibaatada wuu ka bixi doonaa. ... Kii runta ku hadlaa wuxuu muujiyaa xaqnimada, Laakiinse markhaatiga beenta ahu wuxuu muujiyaa khiyaanada.
    MAAHMAAHYADII 12:13, 17
  • Kii xadgudubyadiisa qariyaa ma liibaani doono, Laakiinse kii qirta oo haddana ka tagaa, naxariis buu heli doonaa.
    MAAHMAAHYADII 28:13
  • Midkiinba midka kale dembiyadiisa ha u qirto oo ha u duceeyo si aad u bogsataan. Nin xaq ah baryadiisa shaqaysa wax badan bay kartaa.
    YACQUUB 5:16
  • laakiin waxaannu diidnay waxyaalihii qarsoonaa oo ceebta ahaa, annagoo aan sirta ku soconaynin ama aan ereyga Ilaah qalloocinaynin, laakiin muujinta runta ayaannu niyada dadka oo dhan isugu bognaa Ilaah hortiisa.
    2 KORINTOS 4:2