Nastin iyo fasax


  • Anigu waan jiifsaday oo waan iska seexday, Oo haddana waan soo toosay, waayo, Rabbiga ayaa i xannaaneeya.
    SABUURRADII 3:5
  • Nabad baan ku jiifsanayaa oo aan ku seexanayaa, Waayo, Rabbiyow, adigoo keliya ayaa ammaan igu bariiya.
    SABUURRADII 4:8
  • Waa inaanad ka cabsan naxdinta habeennimada, Iyo fallaadha dharaarnimada duulaysa toona,
    SABUURRADII 91:5
  • Faa'iido idiinma leh inaad aroor hore kacdaan oo aad goor dambe seexataan, Oo aad kibista dhibka cuntaan, Waayo, wuxuu kuwuu jecel yahay siiyaa hurdo.
    SABUURRADII 127:2
  • Markaad jiifsatidna ma cabsan doontid; Haah, waad jiifsan doontaa, oo hurdadaaduna way kuu macaanaan doontaa.
    MAAHMAAHYADII 3:24
  • Ninkii hawshooda hurdadiisu waa u macaan tahay, hadduu wax yar cuno iyo hadduu wax badan cunoba, laakiinse taajirka maalkiisa badanu hurdaduu u diidaa.
    WACDIYAHII 5:12
  • Isagu wuu nabad galaa, oo mid kasta oo qummanaantiisa ku socdana sariirtiisuu ku nastaa.
    ISHACYAAH 57:2
  • Waxaa mahad leh Rabbiga nasiyey dadkiisa reer binu Israa'iil siduu ugu ballanqaaday oo dhan, oo wixii uu u ballanqaaday oo dhan eray keliya kama baaqan ballankiisii wanaagsanaa oo dhan, ee uu ugu ballanqaaday addoonkiisii Muuse.
    BOQORRADII KOWA 8:56
  • Oo ammaan baad ahaan doontaa, maxaa yeelay, rajaa jirta, Hareerahaagaad fiirin doontaa, oo nabaadiinona waad ku nasan doontaa.
    AYUUB 11:18
  • Isagu wuu nabad galaa, oo mid kasta oo qummanaantiisa ku socdana sariirtiisuu ku nastaa.
    ISHACYAAH 57:2
  • Haddaad sabtida cagtaada ula hadhid si aadan maalintayda quduuska ah damacaaga u samayn, aadse sabtida ugu yeedhid farxad, iyo tan quduuska ah ee Rabbiga, oo sharafta badan, iyo haddaad sabtida sharaftid, adigoo aan siyaalahaaga samaynayn, ama aan damacaaga daba galayn, ama aan hadalkaaga ku hadlayn, Markaasaad Rabbiga ku farxi doontaa, oo anna waxaan ku marsiin doonaa meelaha sarsare ee dhulka, oo dhaxalkii awowgaa Yacquub ayaan kugu quudin doonaa, waayo, afkii Rabbiga ayaa saas ku hadlay
    ISHACYAAH 58:13-14
  • Haddaba haddaad wax cuntaan, ama wax cabtaan, ama wax kastaad samaysaan, dhammaan u wada sameeya Ilaah ammaantiisa.
    1 KORINTOS 10:31
  • Sidaas daraaddeed waxaa dadka Ilaah u hadha nasasho. Waayo, kii nasashadiisa galay, isaga qudhiisuna waa ka nastay shuqulladiisii sidii Ilaah kuwiisii uga nastay.
    CIBRAANIYADA 4:9, 10