Kala teegid ama kala leexasho


  • waayo, wuxuu yidhi, Rabbigu ha dhawro aniga iyo adiga dhexdeenna markaynu kala maqan nahay.
    BILOWGII Genesis 31:49
  • Waxaan ka baryay wiilkan, oo Rabbigu waa i siiyey baryadaydii aan weyddiistay isaga, 28 sidaas daraaddeed waxaan isaga siiyey Rabbiga, oo intuu nool yahay oo dhan waxaa leh oo la siiyey Rabbiga. Oo isna halkaasuu Rabbiga ku caabuday.
    SAMUU'EEL KOWAA 1:27, 28
  • In kastoo aan ku dhex socdo dooxada hooska dhimashada, Sharna ka baqi maayo, waayo, waad ila jirtaa, Ushaada iyo hangoolkaaga ayaa ii raaxeeya.
    SABUURRADII 23:4
  • Waayo, aabbahay iyo hooyaday way i dayriyeen, Laakiinse Rabbigaa i qaadan doona.
    SABUURRADII 27:10
  • Rabbigu waa u dhow yahay kuwa dembigooda ka caloolyaysan, Oo kuwa ruuxoodu qoomamaysan yahayna wuu badbaadiyaa.
    SABUURRADII 34:18
  • Isagaa bogsiiya kuwa qalbi jabay, Oo nabrahoodana wuu duubaa.
    SABUURRADII 147:3
  • Biyo badanu jacayl ma demin karaan, Oo daadadkuna innaba ma qarqin karaan. Haddii nin damco inuu jacayl soo siisto maalka gurigiisa oo dhan, Haddana dhammaan waa la quudhsan lahaa.
    GABAYGII SULAYM 8:7
  • Idiinkama tegi doono agoonnimo, ee waan idiin imanayaa.
    YOOXANAA 14:18
  • Waxaan ku tirinayaa in waxyaalaha wakhtigan la joogo lagu xanuunsadaa ayan istaahilin in lala simo ammaanta iman doonta oo laynoo muujin doono.
    ROOMA 8:18
  • kan naga gargaara dhibtayada oo dhan inaannu kuwa dhib kasta ku jira ugu gargaari karno gargaarka Ilaah nagu gargaaray.
    2 KORINTOS 1:4
  • Habase yeeshee waxyaalihii faa'iidada ii ahaa kuwaas Masiixa aawadiis ayaan khasaare ku tiriyey. Runtii anigu wax kasta ayaan khasaare ku tirinayaa wanaagga aqoonta aan aqaan Rabbigayga Ciise Masiix aawadiis, kaas oo aan aawadiis wax kasta ugu khasaaray, oo haatan waxaan ku tirinayaa inay yihiin qushaash inaan Masiix faa'iido ahaan u helo
    FILIBOY 3:7, 8
  • Laakiin walaalayaalow, dooni mayno inaad jaahil ka ahaataan waxa ku saabsan kuwii dhintay ee waxaannu doonaynaa inaydnaan calool xumaan sida kuwa kale oo aan rajo lahayn.
    1 TESALONIIKA 4:13
  • Si loo tijaabiyo rumaysadkiinna, oo aad uga sii qaalisan dahabka oo ah wax baabba'a in kastoo dab lagu tijaabiyo. Markaasaa laga helayaa mahad iyo ammaan iyo ciso Markii Ciise Masiix la muujiyo.
    1 BUTROS 1:7
  • Waayo, waxaad dulqaadasho ugu baahan tihiin si aad u qaadataan wixii laydiin ballanqaaday markaad doonista Ilaah samaysaan dabadeed.
    CIBRAANIYADA 10:36
  • ]