Ka foogashada shaydanka


  • Markaasaa magaca Rabbiga xagga galbeed lagaga cabsan doonaa, oo ammaantiisana xagga qorrax-ka-soobaxaa lagaga cabsan doonaa. Marka cadowgu sida daad oo kale u yimaado ayaa Ruuxa Rabbigu eryi doonaa.
    ISHACYAAH 59:19
  • Markaasuu wuxuu u yeedhay laba-iyo-tobankii xertiisa ahaa oo wuxuu siiyey amar ay jinniyo wasakh leh ku saaraan oo ay bugto walba iyo cudur walba ku bogsiiyaan.
    MATAYOS 10:1
  • Waxaan ku siin doonaa furayaasha boqortooyada jannada, oo wax alla wixii aad dhulka ku xidho ayaa jannada ku xidhnaan doona, oo wax alla wixii aad dhulka ku furto ayaa jannada ku furnaan doona.
    MATAYOS 16:19
  • Laakiin Ciise markuu soo jeestay oo xertiisii eegay, ayuu Butros canaantay, oo wuxuu ku yidhi, Gadaal iga mar, Shayddaan yahow, waayo, waxyaalaha Ilaah kama fikirtid, waxaadse ka fikirtaa waxyaalaha dadka.
    MARKOS 8:33
  • Laba-iyo-tobankii ayuu isugu yeedhay, wuxuuna siiyey xoog iyo amar ay jinniyada oo dhan ku saaraan oo ay cudurro ku bogsiiyaan.
    LUUKOS 9:1
  • Toddobaatankii farxad ayay la soo noqdeen, iyagoo leh, Sayidow, xataa jinniyadu magacaaga ayay nooga dambeeyaan.
    LUUKOS 10:17
  • Bal ogaada, waxaan idin siiyey amar aad kula tumataan abeesooyin iyo dabaqalloocyo iyo xoogga oo dhan ee cadowga; innaba waxba idinma yeeli doono.
    LUUKOS 10:19
  • waayo, hubka dagaalkayagu ma aha xagga jidhka, laakiin xoog bay leeyihiin Ilaah hortiisa in qalcado lagu dumiyo. Waxaannu baabbi'innaa murannada, iyo wax kasta oo sarreeya oo aqoonta Ilaah iska sarraysiiya, oo fikir kasta maxbuus baannu ka dhignaa, si uu Masiix u addeeco,
    2 KORINTOS 10:4, 5
  • Ibliiskana meel ha siinina.
    EFESOS 4:27
  • Ugu dambaysta waxaan idinku leeyahay, Ku xoogaysta Rabbiga iyo xoogga itaalkiisa. 11 Oo hubka Ilaah oo dhan qaata, si aad u awooddaan inaad sirta Ibliiska hor istaagtaan.
    EFESOS 6:10, 11
  • Carruurtiiyey, kuwa Ilaah baad tihiin, oo iyagaad ka adkaateen; maxaa yeelay, Ka idinku jira ayaa ka weyn ka dunida ku jira.
    1 YOOXANAA 4:4
  • Feeyignaada oo soo jeeda, waayo, cadowgiinna Ibliiska ahu sida libaax ciyaya ayuu u wareegaa oo u doondoonaa cid uu liqo. Isaga hor joogsada, idinkoo iimaankiinna ku adag, oo garanaya in isla dhibaatooyinkaasu ay ku dhacaan walaalahiinna dunida ku jira.
    1 BUTROS 5:8, 9
  • Kii dembi falaa wuxuu yahay kan Ibliiska; oo Ibliisku tan iyo bilowgii ayuu dembaabayay. Taas aawadeed ayuu Wiilka Ilaah u muuqday inuu baabbi'iyo shuqullada Ibliiska.
    1 YOOXANAA 3:8