0:00
0:00

Cutub 16

Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid oo wuxuu igu yidhi,
2 Naag ha guursan, oo wiilal iyo gabdho toona meeshan ha ku yeelan.
3 Waayo, Rabbigu wuxuu ka leeyahay wiilasha iyo gabdhaha meeshan ku dhalan doona, iyo hooyooyinka iyaga dhali doona, iyo aabbayaasha iyaga dalkan ku dhex dhali doonaba,
4 Waxay u dhiman doonaan dhimasho xun, oo looma barooran doono, lamana xabaali doono, laakiinse sidii digo dhulka daadsan oo kale ayay noqon doonaan, oo waxay ku baabbi'i doonaan seef iyo abaar, oo baqtigooduna cunto buu u noqon doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulkaba.
5 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Gurigii tacsiyu taal ha gelin, iyaga ha u barooran, hana u tacsiyayn, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadkan nabaddaydii waan ka fogeeyey iyo xataa raxmad iyo naxariisba.
6 Oo kuwa waaweyn iyo kuwa yaryaruba dalkanay ku dhex dhiman doonaan. Lama xabaali doono, loomana barooran doono, laysumana googooyn doono, oo iyaga aawadoodna laysuma xiiri doono.
7 Oo ciduna iyaga uma jejebin doonto kibistii axanka inay uga tacsiyeeyaan kii dhintay, oo ciduna iyaga ma siin doonto koobkii tacsida inay aabbahood ama hooyadood u cabbaan.
8 Oo weliba waa inaadan innaba u gelin gurigii diyaafadu taal inaad iyaga la fadhiisatid oo aad wax la cuntid, waxna la cabtid.
9 Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogow, indhahaaga hortooda iyo wakhtiga aad nooshahay qudhiisa waxaan meeshan ka joojin doonaa codka rayraynta iyo codka farxadda, iyo codka arooska iyo codka aroosaddaba.
10 Oo markaad dadkan u sheegtid erayadan oo dhan oo ay kugu yidhaahdaan, Bal maxaa Rabbigu noogaga hadlay masiibadan weyn? Amase waa maxay xumaantayadu? Amase waa maxay dembigii aannu Rabbiga Ilaahayaga ah ku samaynay?
11 markaas waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Awowayaashiin way iga tageen, oo waxay daba galeen ilaahyo kale, wayna u adeegeen oo caabudeen, oo anigana way iga tageen, oo sharcigaygiina ma ay dhawrin,
12 oo idinkuna waxaad samayseen shar ka sii daran kii ay awowayaashiin sameeyeen, waayo, bal eega, midkiin kastaaba wuxuu daba socdaa caasinimada qalbigiisa sharka ah, anigana ma aydaan maqlin.
13 Oo sidaas daraaddeed dalkan waan idinka xoori doonaa oo waxaan idinku dhex tuuri doonaa dal aydaan aqoonin idinka iyo awowayaashiin toona, oo halkaasaad ilaahyo kale ugu adeegi doontaan habeen iyo maalinba, oo aniguna innaba raalli idinkama ahaan doono.
14 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa soo socda wakhti aan mar dambe la odhan doonin, Waxaa nool Rabbigii reer binu Israa'iil dalkii Masar ka soo bixiyey,
15 laakiinse waxaa la odhan doonaa, Waxaa nool Rabbigii reer binu Israa'iil ka soo bixiyey dalkii woqooyi iyo dalalkii uu u kexeeyey oo dhan. Oo aniguna waxaan iyaga mar kale ku soo celin doonaa dalkoodii aan awowayaashood siiyey.
16 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan iyaga u soo diri doonaa kalluumaystayaal badan oo iyana way soo qabsan doonaan, oo haddana waxaan u soo diri doonaa ugaadhsadayaal badan, oo iyana way ka ugaadhsan doonaan buur kasta, iyo kur kasta, iyo boholaha dhagaxyada oo dhan.
17 Waayo, jidadkooda oo dhan indhahaan ku hayaa, oo igamana ay qarsoona, xumaantooduna kama ay daboolna indhahayga.
18 Marka ugu horraysa waxaan laba jibbaar uga abaalmarin doonaa xumaantoodii iyo dembigoodii, maxaa yeelay, dalkaygii waxay ku nijaaseeyeen bakhtiyada sanamyadoodii la nacay, oo dhaxalkaygiina waxay ka buuxiyeen karaahiyadooda.
19 Rabbiyow, xooggaygii, iyo qalcaddaydii, iyo magangalkaygii aan maalinta dhibaatada magangalow, quruumuhu way kaaga iman doonaan dhulka darafyadiisa ugu shisheeya, oo waxay odhan doonaan, Sida xaqiiqada ah awowayaashayo waxba ma dhaxlin been, iyo wax aan waxtar lahayn, iyo waxyaalo aan innaba faa'iido lahayn mooyaane.
20 Bal nin miyuu samaysan karaa ilaahyo aan Ilaah ahayn?
21 Sidaas daraaddeed bal ogaada, waxaan iyaga ogeysiin doonaa gacantayda iyo xooggayga, markan keliya ayaan ogeysiin doonaa, oo waxay ogaan doonaan in magacaygu Rabbi yahay.