0:00
0:00

Cutub 52

Sidqiyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray kow iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ku ahaa kow iyo toban sannadood. Oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Xamuutal ina Yeremyaah oo reer Libnaah ahayd.
2 Oo isagu wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah sidii wixii Yehooyaaqiim sameeyey oo dhan.
3 Oo tanu waxay Yeruusaalem iyo dalka Yahuudah ugu dhacday cadhadii Rabbiga aawadeed ilaa uu hortiisa ka tuuray, kolkaasaa Sidqiyaahna ka fallaagoobay boqorkii Baabuloon.
4 Oo sannaddii sagaalaad oo boqornimadiisa, bishii tobnaad, maalintii tobnaad ayaa Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon iyo ciidankiisii Yeruusaalem ku keceen, oo intay hor degeen ayay qalcado hareereheeda ka dhisteen.
5 Oo sidaasay magaaladii u hareeraysnayd tan iyo sannaddii kow iyo tobnaad oo Boqor Sidqiyaah.
6 Oo maalintii sagaalaad, bishii afraad, ayaa abaartii magaaladii aad iyo aad ugu xumaatay, oo sidaas daraaddeed dadkii dalka degganaa cunto ma haysan.
7 Markaasaa meel magaalada ahayd la jebiyey, oo raggii dagaalka oo dhammuna way carareen, oo waxay goor habeennimo ah magaaladii kaga bexeen iriddii labada derbi u dhaxaysay oo beertii boqorka ku ag tiil (haddaba reer Kaldayiin waxay ku wareegsanaayeen magaalada). Oo waxay mareen jidkii Caraabaah.
8 Laakiinse ciidankii reer Kaldayiin ayaa boqorkii eryaday, oo waxay Sidqiyaah ku gaadheen bannaannadii Yerixoo, oo ciidankiisii oo dhammuna way ka kala firdheen.
9 Markaasay boqorkii qabsadeen oo boqorkii Baabuloon ugu geeyeen Riblaah oo ku tiil dalka Xamaad, wuuna xukumay.
10 Oo boqorkii Baabuloon Sidqiyaah wiilashiisii hortiisuu ku laayay, oo weliba amiirradii dalka Yahuudah oo dhanna wuxuu ku wada laayay Riblaah.
11 Oo weliba Sidqiyaahna indhihii buu ka riday, oo boqorkii Baabuloon wuxuu ku xidhxidhay silsilado oo wuxuu u kaxaystay Baabuloon, oo xabsi buu ku riday ilaa maalintii dhimashadiisa.
12 Haddaba bishii shanaad maalinteedii tobnaad oo ahayd sannaddii sagaal iyo tobnaad oo Nebukadresar boqorkii Baabuloon ahaa waxaa Yeruusaalem yimid Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta oo boqorka Baabuloon u adeegi jiray.
13 Markaasuu gubay gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka, oo wuxuu kaloo gubay guryihii Yeruusaalem oo dhan, kuwaasoo ahaa guri kasta oo weyn.
14 Oo ciidankii reer Kaldayiin oo sirkaalkii askarta la socday oo dhammuna waxay wada dumiyeen derbiyadii Yeruusaalem ku wareegsanaa oo dhan.
15 Markaasaa Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askartu wuxuu maxaabiis ahaan u kaxaystay masaakiintii dadka qaarkood, iyo dadkii magaalada ku hadhay, iyo kuwii cararay oo u galay boqorkii Baabuloon, iyo intii dadkii faraha badnaa ka hadhay.
16 Laakiinse Nebuusaradaan oo sirkaalkii askarta ahaa wuxuu ka tegey dadkii waddanka ugu liitay inay ahaadaan kuwa canabka iyo beeraha kale ka shaqeeya.
17 Markaasaa reer Kaldayiin waxay jejebiyeen tiirarkii naxaasta ahaa oo guriga Rabbiga ku jiray, iyo saldhigyadii iyo berkeddii naxaasta ahayd oo guriga Rabbiga ku jiray, oo naxaastoodiina waxay u qaadeen Baabuloon.
18 Oo waxay kaloo qaadeen dheryihii, iyo majarafadihii, iyo alaabtii laambadihii lagu safayn jiray, iyo maddiibadihii, iyo malgacadihii, iyo weelashii naxaasta ahaa oo lagu adeegi jiray oo dhan.
19 Oo sirkaalkii askartu wuxuu la tegey suxuuntii, iyo dabqaadayaashii, iyo maddiibadihii, iyo dheryihii, iyo laambadihii, iyo malgacadihii, iyo koobabkiiba, intii dahabka ahayd dahab ahaan buu u qaaday, oo intii lacagta ahaydna lacag ahaan.
20 Labadii tiir, iyo berkeddii, iyo laba iyo tobankii dibi oo naxaasta ahaa oo saldhigyada ka hooseeyey, oo Boqor Sulaymaan uu u sameeyey gurigii Rabbiga, dhammaan weelashaas naxaastoodu miisaan ma lahayn.
21 Oo tiirarka midkood sarajooggiisu wuxuu ahaa siddeed iyo toban dhudhun, meeriskiisuna wuxuu ahaa laba iyo toban dhudhun markii xadhig lagu qiyaaso, oo dhumucdiisuna waxay ahayd afar farood, oo dhexdana wuu ka dalooshanaa.
22 Oo korkiisana waxaa saarnaa taaj naxaas ah, oo taajka sarajooggiisuna wuxuu ahaa shan dhudhun, wuxuuna lahaa shabag iyo rummaanno taajka ku wareegsan, oo kulligoodna waxay ahaayeen naxaas, tiirkii labaadna waxan oo kaluu lahaa iyo rummaanno.
23 Oo dhinacyada waxaa ku yiil lix iyo sagaashan rummaan, oo rummaannadii shabagga ku wareegsanaa oo dhammuna waxay ahaayeen boqol.
24 Oo sirkaalkii askartu wuxuu kaloo kaxaystay Seraayaah oo ahaa wadaadkii sare, iyo Sefanyaah oo ahaa wadaadkii labaad, iyo saddexdii iridjoog.
25 Oo wuxuu magaaladii kala soo baxay sirkaal u sarreeyey raggii dagaalyahanka ahaa, iyo toddoba nin oo ka mid ahaa kuwii boqorka hor joogi jiray oo magaaladii laga dhex helay, iyo karraanigii sirkaalka ciidanka ee ururin jiray dadkii waddanka, iyo lixdan nin oo ahaa dadkii dalka degganaa oo magaaladii laga dhex helay.
26 Markaasaa Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askartu iyagii kexeeyey oo Riblaah ugu geeyey boqorkii Baabuloon.
27 Markaasaa boqorkii Baabuloon iyagii ku laayay Riblaah oo ku taal dalka Xamaad. Oo sidaasaa dadkii Yahuudah dalkoodii looga kaxaystay iyagoo maxaabiis ah.
28 Oo sannaddii toddobaad dadkii uu Boqor Nebukadresar maxaabiisahaanta u kaxaystay waxay ahaayeen saddex kun iyo saddex iyo labaatan qof oo Yuhuud ah,
29 oo sannaddii siddeed iyo tobnaad oo Boqor Nebukadresarna wuxuu Yeruusaalem maxaabiis ahaan uga kaxaystay siddeed boqol iyo laba iyo soddon qof.
30 Oo sannaddii saddex iyo labaatanaad oo Boqor Nebukadresarna Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta ayaa Yuhuuddii maxaabiis ahaan uga kaxaystay toddoba boqol iyo shan iyo afartan qof, oo dadkii la kaxaystay oo dhammuna waxay ahaayeen afar kun iyo lix boqol oo qof.
31 Oo sannaddii toddoba iyo soddonaad intii boqorkii dalka Yahuudah oo Yehooyaakiin ahaa uu xidhnaa, bishii laba iyo tobnaad, maalinteedii shan iyo labaatanaad Ewiil Merodag oo ahaa boqorkii Baabuloon sannaddii uu boqor noqday ayuu sara u qaaday Yehooyaakiin oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo xabsiguu ka soo bixiyey.
32 Oo si roon buu ula hadlay, oo wuxuu carshigiisii ka kor mariyey carshigii boqorradii isagii Baabuloon la joogay.
33 Oo dharkiisii xabsiga ayuu beddelay oo hortiisuu wax ku cuni jiray had iyo jeerba cimrigiisii oo dhanba.
34 Oo xagga masruufkiisana boqorkii Baabuloon xaggiisa waxaa laga siin jiray masruuf joogta ah, oo tan iyo maalintii uu dhintay maalin kastaba qayb buu heli jiray cimrigiisii oo dhan.