0:00
0:00

Cutub 45

Kanu waa eraygii uu Nebi Yeremyaah kula hadlay Baaruug ina Neeriiyaah markuu erayadan kitaab kaga qoray afkii Yeremyaah, taasoo ahayd sannaddii afraad ee Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah uu dalka Yahuudah boqorka ka ahaa, oo wuxuu ku yidhi, Baaruugow,
2 Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu kugu leeyahay,
3 Adigu waxaad tidhi, Anigaa iska hoogay haatan, waayo, Rabbigu xanuunkaygii murug buu iigu sii daray. Taahiddaydii, waan la daalay, oo innaba nasasho ma aan helin.
4 Waxaad isaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Wixii aan dhisay waan dumin doonaa, oo wixii aan beerayna waan rujin doonaa, taasuna waa dalka oo dhan.
5 Ma nafsaddaadaad waxyaalo waaweyn u doondoonaysaa? Ha doondoonin, waayo, bal ogow, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu masiibaan binu-aadmiga oo dhan ku soo dejin doonaa, laakiinse meel alla meeshii aad tagtidba naftaadaan booli ahaan kuu siin doonaa.