0:00
0:00

Cutub 100

Inta dhulka deggan oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya.
2 Rabbiga farxad ugu adeega, Oo hortiisa gabay la kaalaya.
3 Ogaada in Rabbigu Ilaah yahay, Waxaa ina sameeyey isaga, oo waxaynu nahay kuwiisii, Waxaynu nahay dadkiisii iyo idihii daaqsintiisa.
4 Irdihiisa mahadnaqid la gala, Barxadihiisana ammaan. Isaga u mahadnaqa, oo magiciisa ammaana.
5 Waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, naxariistiisuna weligeed way sii waartaa, Aaminnimadiisuna tan iyo ka ab ka ab.