0:00
0:00

Cutub 150

Rabbiga ammaana. Ilaah ku dhex ammaana meeshiisa quduuska ah, Ku dhex ammaana samada xooggiisa.
2 Falimihiisa waaweyn aawadood u ammaana, U ammaana si waafaqsan weynaantiisa sare.
3 Dhawaaqa buunka ku ammaana, Oo shareerad iyo kataarad ku ammaana.
4 Ku ammaana daf iyo cayaar, Oo ku ammaana alaab xadhko leh oo muusiko ah iyo biibiile.
5 Suxuunta laysku garaaco oo codka dheer ku ammaana, Ku ammaana suxuunta sanqadha dheer.
6 Wax kasta oo neef lahuba Rabbiga ha ammaaneen. Rabbiga ammaana.