0:00
0:00

Cutub 70

Ilaahow, soo dhaqso oo i samatabbixi, Rabbiyow, soo dhaqso oo i caawi.
2 Kuwa doondoonaya inay naftayda iga qaadaan Ha ceeboobeen oo ha wareereen, Oo kuwa waxyeelladayda ku farxaana Dib ha u noqdeen oo ha sharaf beeleen.
3 Kuwa Ahaa, Ahaa, lahu, Ceebtooda dib ha ula noqdeen.
4 Kuwa adiga ku doondoona oo dhammu ha reyreeyeen oo ha kugu farxeen, Oo kuwa badbaadintaada jeceluna had iyo goorba ha yidhaahdeen, Ilaah ha la weyneeyo.
5 Laakiinse miskiin iyo mid baahan baan ahay, Ilaahow, ii soo dhaqso, Waxaad tahay caawimaaddayda iyo samatabbixiyahayga. Rabbiyow, ha iga raagin.