0:00
0:00

Cutub 131

Rabbiyow, qalbigaygu kor isuma qaado, indhahayguna ma kibirsana, Oo anna iskuma dhex tuuro axwaal waaweyn, Ama waxyaalihii igu yaab badan.
2 Hubaal naftaydii waan dejiyey, oo waan xasilliyey, Sida ilmo naas laga gudhiyey oo hooyadiis la jooga, Naftaydu waxay iigu jirtaa sida ilmo naas laga gudhiyey.
3 Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba, Haddeer intii laga bilaabo iyo tan iyo weligiinba.