0:00
0:00

Cutub 120

Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday, Oo isna wuu ii jawaabay.
2 Rabbiyow, naftayda ka samatabbixi bushimo been sheega, Iyo carrab khiyaano badan.
3 Carrabka khiyaanada badanow, bal maxaa lagu siin doonaa? Oo maxaa kaloo laguu samayn doonaa?
4 Adoo ah sida ku xoog badan oo fallaadhihiisa afaysan, Kuwaas oo wata dhuxulo geed rotem la yidhaahdo.
5 Anaa hoogay, waayo, Mesheg baan qariib ku noqday, Oo waxaan dhex degay teendhooyinkii Qedaar!
6 Naftaydu waxay wakhti dheer la degganayd Mid nabadda neceb.
7 Waxaan ahay mid nabad jecel, Laakiinse kolkii aan hadlo, iyagu waa kuwa dagaal jecel.