0:00
0:00

Cutub 128

Waxaa barakaysan mid kasta oo Rabbiga ka cabsada, Oo jidadkiisa ku socda.
2 Waayo, waad cuni doontaa waxa gacmahaagu ku hawshoodeen, Waadna farxi doontaa, oo waad barwaaqoobi doontaa.
3 Naagtaadu waxay gurigaaga ku dhex ahaan doontaa sida geed canab ah oo midho badan dhala. Carruurtaaduna waxay noqon doonaan sida geedo saytuun ah oo miiskaaga ku wareegsan.
4 Bal eeg, sidaasuu u barakoobi doonaa Ninka Rabbiga ka cabsadaa.
5 Rabbigu Siyoon buu kaa barakayn doonaa, Oo cimrigaaga oo dhan waxaad arki doontaa wanaagga Yeruusaalem.
6 Haah, oo waxaad arki doontaa carruurtaada carruurtooda. Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.