0:00
0:00

Cutub 84

Rabbiga ciidammadow, taambuugyadaadu sidee bay u yihiin wax la jeclaado!
2 Naftaydu waxay u xiisaysan tahay Rabbiga barxadihiisa, Qalbigayga iyo jiidhkayguba waxay u dhawaaqaan Ilaaha nool.
3 Haah, shimbirtu waxay nafsaddeeda u heshay guri, Dabafallaadhuna buul ay yaryarkeeda ku dhasho, Kaas oo ah meelaha allabarigaaga, Rabbiga ciidammadow, Boqorkaygiiyow, Ilaahaygiiyow.
4 Waxaa barakaysan kuwa gurigaaga deggan, Weligoodba way ku sii ammaani doonaan.
5 Waxaa barakaysan ninkii xooggiisu xaggaaga ka yimaado, Oo ay jidadka sare oo Siyoon qalbigiisa ku jiraan.
6 Markay dhex maraan Dooxadii Oohinta waxay ka dhigaan meel ilo badan leh, Haah, oo roobka hore ayaa barakooyin ka buuxiya.
7 Way xoogaystaan, oo weliba way sii xoogaystaan, Oo midkood kastaaba Ilaah buu ka hor muuqdaa Siyoon dhexdeeda.
8 Rabbiyow, Ilaaha ciidammadow, baryadayda maqal, Ilaaha Yacquubow, bal dhegta ii dhig, (Selaah)
9 Ilaahow, gaashaankayagiiyow, bal eeg, Oo bal kaaga la subkay wejigiisa fiiri.
10 Waayo, maalin barxadahaaga la joogo way ka sii wanaagsan tahay kun maalmood oo kale. Intaan teendhooyinka sharka joogi lahaa, Waxaan ka sii jeclaan lahaa inaan guriga Ilaah iridjooge u ahaado.
11 Waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waxa weeye qorrax iyo gaashaan, Rabbigu wax wanaagsan kalama hadhi doono kuwa si qumman u socda. Wuxuuna siin doonaa naxariis iyo sharaf.
12 Rabbiga ciidammadow, Waxaa barakaysan ninkii isku kaa halleeya.