0:00
0:00

Cutub 138

Qalbigayga oo dhan ayaan kugu mahadnaqi doonaa, Oo ilaahyada hortooda ayaan ammaan kuugu gabyi doonaa,
2 Waxaan u soo tukan doonaa macbudkaaga quduuska ah xaggiisa, Oo magacaagana waxaan ugu mahadnaqi doonaa raxmaddaada iyo runtaada aawadood, Waayo, eraygaaga ayaad ka sii weynaysay magacaaga oo dhan.
3 Maalintii aan qayshaday waad ii jawaabtay, Waanad igu kalsooni gelisay xooggii aad naftayda u yeeshay.
4 Rabbiyow, boqorrada dhulka jooga oo dhammu way kugu mahadnaqi doonaan, Waayo, waxay maqlaan erayada afkaaga.
5 Haah, way ka gabyi doonaan jidadka Rabbiga, Waayo, ammaanta Rabbigu waa weyn tahay.
6 Waayo, in kastoo Rabbigu sarreeyo, haddana wuu fiiriyaa kuwa hooseeya, Laakiinse kan kibra meel fog buu ka yaqaan.
7 In kastoo aan ku dhex socdo dhibaato waad i soo noolayn doontaa, Oo waxaad gacantaada ku soo fidin doontaa cadhada cadaawayaashayda, Oo gacantaada midigna way i badbaadin doontaa.
8 Rabbigaa kaamil ka dhigi doona waxa igu saabsan, Rabbiyow, naxariistaadu weligeedba way sii waartaa, Ha ka tegin shuqulladii gacmahaaga.