0:00
0:00

Cutub 44

Ilaahow, dhegahayagaannu ku maqallay, oo waxaa noo sheegay awowayaashayo Shuqulkii aad samaysay wakhtigoodii oo ahaa waa hore.
2 Quruumihii gacantaadaad ku eriday, oo meeshoodii awowayaashayo baad ku beertay, Dadyowgii waad dhibtay, oo dibaddaad ku kala firdhisay.
3 Waayo, iyagu dalka kuma hantiyin seeftooda, Oo cududdooduna ma ay badbaadin, Laakiinse midigtaada iyo cududdaada iyo nuurka wejigaaga ayaa badbaadshay iyaga, Maxaa yeelay, raalli baad ka ahayd.
4 Ilaahow, waxaad tahay boqorkayga, Haddaba reer Yacquub samatabbixin u amar.
5 Adiga daraaddaa ayaannu cadaawayaashayada hoos ugu riixaynaa, Oo magacaaga daraaddiis ayaan kula tumanaynaa kuwa nagu kaca.
6 Waayo, qaansadayda isku hallayn maayo, Oo seeftayduna i badbaadin mayso.
7 Laakiinse adigu cadaawayaashayadaad naga badbaadisay, Oo kuwa na necebna waad ceebaysay.
8 Maalinta oo dhan waxaannu ku faannaa Ilaah, Oo annana weligayo waxaannu ku mahadnaqaynaa magacaaga. (Selaah)
9 Laakiinse haatan waad na xoortay, oo sharafdarrona waad nagu soo dejisay, Oo weliba ciidammadayadana ma aad hor kacdid.
10 Waxaa dib nooga celisaa cadowgayaga hortiisa, Oo kuwa na necebuna way na dhacaan.
11 Waxaad naga dhigtay sidii ido la qalayo, Oo waxaad nagu kala firdhisay quruumaha dhexdooda.
12 Dadkaaga qiimola'aan baad ku iibisaa, Oo maalkaagana kuma aad kordhin qiimahoodii.
13 Deriskayaga waxaad nooga dhigtaa cay, Oo kuwa hareerahayaga ku wareegsanna waxaad nooga dhigtaa quudhsasho iyo qosol.
14 Quruumaha dhexdooda waxaad nooga dhigtaa halqabsi, Dadyowga dhexdoodana waxaad nooga dhigtaa kuwa madaxa laga lulo.
15 Maalinta oo dhan sharafdarradaydu way i hor taal, Oo waxaa iga muuqatay ceebtii wejigayga,
16 Waayo, sababtu waxaa weeye codka kan i caaya oo i af xumeeya, Iyo cadowga iyo kan iga aarguta daraaddood.
17 Waxyaalahaas oo dhammu way nagu dhaceen, laakiinse weli kuma aannu illoobin, Axdigaagana khiyaano kuma aannu samayn.
18 Qalbigayagu dib uma noqon, Oo tallaabooyinkayaguna jidkaaga kama baydhin,
19 Adiguse waxaad si xun noogu jebisay meeshii dawacooyinka, Oo waxaad nagu qarisay hooskii dhimashada.
20 Haddii aannu illownay magicii Ilaahayaga, Ama aannu gacmahayaga u kala bixinnay ilaah qalaad,
21 Ilaah miyaanu waxaas baadhayn? Waayo, isagu waa wada og yahay qalbiga waxyaalihiisa qarsoon.
22 Haah, oo adiga daraaddaa ayaa naloo laayaa maalinta oo dhan, Oo waxaannu noqonnaa sida ido la qalayo.
23 Toos, maxaad u huruddaa, Sayidow? Sara joogso, oo ha na xoorin weligaa.
24 Bal maxaad wejiga nooga qarsanaysaa, Oo aad u illoobaysaa dhibaatada iyo dulmiga aan ku dhex jirno?
25 Waayo, naftayadu ciidday ku foororsatay, Oo calooshayaduna dhulkay ku dhegtaa.
26 Caawimaaddayada daraaddeed u sara joogso, Oo raxmaddaada daraaddeed noo furo.