0:00
0:00

Cutub 87

Aasaaskiisu wuxuu ku jiraa buuraha quduuska ah.
2 Rabbigu degmooyinka reer Yacquub oo dhan Wuxuu ka jecel yahay irdaha Siyoon.
3 Magaalada Ilaahay, Waxyaalo ammaan badan ayaa lagaa sheegaa. (Selaah)
4 Anigu waxaan ka sheekayn doonaa Rahab iyo Baabuloon sidii kuwo i yaqaan, Bal eeg, Falastiin, iyo Turos, iyo Itoobiya. Midkanu halkaasuu ku dhashay.
5 Haah, oo Siyoonna waxaa laga odhan doonaa, Midkan iyo midkaasuba iyaduu ku dhashay, Oo Ilaaha ugu sarreeya ayaa iyada dhisi doona.
6 Rabbigu wuu tirin doonaa markuu dadka qorayo, Midkanu halkaasuu ku dhashay. (Selaah)
7 Kuwa gabya iyo kuwa cayaaraaba waxay odhan doonaan, Waxaa kugu jira ilahayga oo dhan.