0:00
0:00

Cutub 98

Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Waayo, isagu wuxuu sameeyey waxyaalo yaab badan, Gacantiisa midig iyo dhudhunkiisa quduuska ahuna waxay keeneen badbaado.
2 Rabbigu wuxuu dadka ogeysiiyey badbaadadiisii, Oo xaqnimadiisiina wuxuu bayaan ugu muujiyey quruumaha hortooda.
3 Oo wuxuu soo xusuustay naxariistiisii iyo aaminnimadiisii uu u qabay reerka binu Israa'iil, Dadka dhulka darfihiisa jooga oo dhammu way wada arkeen badbaadinta Ilaaheenna.
4 Inta dhulka joogta oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya, Dhawaaqa, oo farxad ku gabya, oo ammaan ku gabya.
5 Rabbiga ammaan ugu gabya idinkoo kataarad haysta, Kataarad iyo codka heeska ugu gabya.
6 Boqorka Rabbiga ah hortiisa farxad kaga dhawaajiya Turumbooyin iyo buunan.
7 Badda iyo waxa ka buuxaaba ha guuxeen, Dunida iyo kuwa dhex deggan oo dhammuna ha dhawaaqeen,
8 Webiyadu ha sacbiyeen, Oo buuruhuna dhammaantood farxad ha kaga gabyeen Rabbiga hortiisa,
9 Waayo, isagu wuxuu u imanayaa inuu dhulka xukumo, Wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo, Dadyowgana caddaalad.