0:00
0:00

Cutub 106

Rabbiga ammaana. Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa.
2 Yaa sheegi kara Rabbiga falimihiisa waaweyn? Amase yaa muujin kara ammaantiisa oo dhan?
3 Waxaa barakaysan kuwa xukunka dhawra, Oo xaqnimada ka shaqeeya wakhti kastaba.
4 Rabbiyow, igu soo xusuuso naxariista aad dadkaaga u qabto, Oo igu soo booqo badbaadintaada,
5 Inaan arko kuwaaga aad dooratay barwaaqadooda, Oo aan ku reyreeyo farxadda quruuntaada, Iyo inaan la faano dadka dhaxalkaaga ah.
6 Waxaannu la dembaabnay awowayaashayo, Xumaanna waannu samaynay, oo si shar ah ayaannu wax u samaynay.
7 Awowayaashayo ma ay garan yaababkii aad dalka Masar ku samaysay. Oo ma ay xusuusan badnaantii naxariistaada, Laakiinse way ku ag caasiyoobeen badda, taas oo ah Badda Cas.
8 Habase yeeshee wuxuu iyagii u badbaadiyey magiciisa daraaddiis, Inuu xooggiisa weyn ka dhigo mid la yaqaan.
9 Oo weliba Badda Cas ayuu canaantay, kolkaasay engegtay, Sidaas daraaddeed wuxuu iyagii ku hor kacay moolka dhexdiisii sidii iyagoo maraya cidlada dhexdeeda.
10 Oo wuxuu iyagii ka badbaadiyey kii iyaga necbaa gacantiisii, Oo wuxuu ka furtay gacantii cadowga.
11 Biyihiina waxay qariyeen cadaawayaashoodii. Xataa mid qudhahu kama hadhin.
12 Markaasay rumaysteen erayadiisii, Oo ammaantiisay ku gabyeen.
13 Haddiiba way illoobeen shuqulladiisii, Oo taladiisiina ma ay sugin,
14 Laakiinse aad bay wax u damacsanaayeen intay cidladii dhex joogeen, Oo Ilaahna way ku jirrabeen lamadegaanka dhexdiisa.
15 Oo isna wuxuu siiyey wixii ay weyddiisteen, Laakiinse wuxuu naftoodii u soo diray caatow.
16 Oo weliba waxay xerada dhexdeedii kaga hinaaseen Muuse Iyo Haaruun oo ahaa Rabbiga kiisii quduuska ahaa.
17 Oo dhulkiina waa kala furmay oo wuxuu liqay Daataan, Oo weliba wuxuu qariyey Abiiraam guutadiisii.
18 Oo guutadoodiina dab baa ka dhex shidmay, Ololkiina wuxuu wada gubay kuwii shar lahaa.
19 Waxay samaysteen weyl markii ay Xoreeb joogeen, Oo waxay caabudeen sanam la shubay.
20 Oo sidaasay ammaantoodii ugu beddeleen Dibi caws daaqa ekaantiis.
21 Waxay illoobeen Ilaahii Badbaadiyahooda ahaa, Oo waxyaalo waaweyn ku sameeyey dalkii Masar,
22 Shuqullo yaab badanna ku sameeyey dalkii Xaam, Waxyaalo cabsi badanna ku sameeyey Badda Cas agteeda.
23 Sidaas daraaddeed isagu wuxuu yidhi, Waan baabbi'inayaa. Laakiinse Muuse oo ahaa kii uu doortay ayaa hortiisa u istaagay xidhiidhla'aantii u dhexaysay, Inuu Ilaah cadhadiisa ka leexiyo aawadeed si aanu iyaga u baabbi'in.
24 Waxay quudhsadeen dalkii wacnaa, Mana ay rumaysan eraygiisii,
25 Laakiinse teendhooyinkooday ku dhex gunuunaceen, Mana ay dhegaysan codkii Rabbiga.
26 Sidaas daraaddeed gacantiisuu kor ugu taagay iyaga, Oo wuxuu ku dhaartay inuu iyaga cidladii ku afgembiyo,
27 Iyo inuu farcankooda ku afgembiyo quruumaha dhexdooda, Oo uu iyaga ku kala firdhiyo dalalka.
28 Oo weliba waxay isku dareen Bacal Fecoor, Oo waxay cuneen allabarigii kuwii dhintay.
29 Sidaasay isaga shuqulladoodii ugaga xanaajiyeen, Markaasay belaayadu ka dhex dillacday.
30 Markaasaa waxaa istaagay Fiinexaas, oo wuxuu ku soo dejiyey xukun, Oo sidaasaa belaayada lagu joojiyey.
31 Oo taas waxaa isagii loogu tiriyey xaqnimo U sii waaraysa qarni kasta iyo weligeedba.
32 Oo weliba waxay isagii kaga cadhaysiiyeen biyihii Meriibaah agtooda, Sidaas daraaddeed dhib baa ku dhacday Muuse iyaga aawadood,
33 Maxaa yeelay, iyagu waxay ku caasiyoobeen ruuxiisii, Kolkaasuu fiirola'aan u hadlay.
34 Dadyowgiina uma ay baabbi'in, Sidii Rabbigu ugu amray iyaga,
35 Laakiinse iyagu waxay ku dhex qasmeen quruumihii, Shuqulladoodiina way barteen,
36 Oo waxay u adeegeen sanamyadoodii, Kuwaasoo iyaga dabin u noqday,
37 Haah, oo waxay wiilashoodii iyo gabdhahoodii allabari ahaan ugu qaleen jinniyo,
38 Oo waxay daadiyeen dhiig aan eed lahayn, kaasoo ah dhiiggii wiilashooda iyo kii gabdhahooda Oo ay allabari ahaan ugu qaleen sanamyadii reer Kancaan, Oo dalkiina wuxuu ku nijaasoobay dhiig.
39 Haddaba sidaasay shuqulladoodii ugu nijaasoobeen, Oo falimahoodii ayay ku caasiyoobeen sidii dhillo oo kale.
40 Sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu dadkiisii aad ugu cadhooday, Oo isna wuxuu karhay dadkii dhaxalkiisii ahaa.
41 Oo wuxuu iyagii u gacangeliyey quruumaha, Oo kuwii iyaga necbaa ayaa u taliyey.
42 Oo weliba cadaawayaashoodii ayaa dulmay, Oo iyagoo gacantooda ka hooseeya ayay addoonsadeen.
43 Marar badan ayuu samatabbixiyey, Laakiinse waxay ku caasiyoobeen taladoodii, Oo waxaa lagu hoosaysiiyey dembigoodii.
44 Habase yeeshee isagu waa ka fiirsaday cidhiidhigoodii, Markuu qayladoodii maqlay,
45 Oo wuxuu iyagii u soo xusuustay axdigiisii, Kolkaasuu naxariistiisa badan aawadeed u qoomamooday.
46 Oo weliba wuxuu ka dhigay inay Kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystay oo dhammu u naxaan.
47 Rabbiyow Ilaahayagow, na badbaadi, Oo quruumaha naga soo dhex ururi, Si aannu magacaaga quduuska ah ugu mahadnaqno, Oo aannu ammaantaada ugu guulaysanno.
48 Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Tan iyo weligiis iyo weligiisba. Oo dadka oo dhammu ha yidhaahdo, Aamiin. Rabbiga ammaana.