0:00
0:00

Cutub 26

Rabbiyow, i xukun, waayo, waxaan ku socday daacadnimadayda, Oo weliba waxaan Rabbiga isugu halleeyey rogrogmashola'aan.
2 Rabbiyow, i imtixaan, oo i tijaabi, Oo uurkayga iyo qalbigaygana baadh.
3 Waayo, raxmaddaadu waxay taal indhahayga hortooda, Oo waxaan ku socday runtaada.
4 Lama aan fadhiisan waxmatarayaal, Oo kuwa isyeelyeelana gudaha la geli maayo.
5 Waan necbahay ururka xumaanfalayaasha, Oo kuwa sharka lehna la fadhiisan maayo.
6 Gacmahayga waxaan ku maydhan doonaa eedla'aanta, Markaasaan ku wareegi doonaa meeshaada allabariga, Rabbiyow,
7 Si aan codka mahadnaqidda dadka u maqashiiyo, Oo aan uga sheekeeyo shuqulladaada yaabka leh oo dhan.
8 Rabbiyow, rugta gurigaaga waan jeclahay, Iyo meesha ammaantaadu joogto.
9 Naftayda ha la ururin dembilayaal, Noloshaydana ha la ururin dhiigyocabyada,
10 Gacmahooda belaayadu ku jirto, Gacantooda midigna laaluush ka buuxo.
11 Laakiinse anigu waxaan ku socon doonaa daacadnimadayda, Haddaba i madaxfuro, oo ii naxariiso.
12 Cagtaydu waxay ku taagan tahay meel siman, Oo Rabbigaan ku ammaani doonaa shirarka dhexdooda.