0:00
0:00

Cutub 126

Markii Rabbigu soo celiyey maxaabiistii Siyoon, Waxaynu noqonnay sida kuwa riyooda.
2 Markaasaa afkeenna waxaa ka buuxsamay qosol, Carrabkeennana gabay, Kolkaasaa quruumaha waxaa laga dhex yidhi, Rabbigu waxyaalo waaweyn ayuu iyaga u sameeyey.
3 Rabbigu wuxuu inoo sameeyey waxyaalo waaweyn, Oo aynu ku faraxsan nahay.
4 Rabbiyow, maxaabiisnimada mar kale nooga soo celi Sida durdurrada koonfureed.
5 Kuwa ilmada wax ku abuurtaa, farxad bay ku goosan doonaan.
6 Kii iska taga isagoo ooyaya oo abuurkiisa sita, Wuxuu soo noqon doonaa isagoo faraxsan oo xidhmooyinkiisa sita.