0:00
0:00

Cutub 4

Ilaaha xaqnimadaydow, markii aan ku baryo i maqal, Markii aan cidhiidhi ku jirayba meel baad ii bannaysay, Ii naxariiso oo baryadayda maqal.
2 Binu-aadmigow, ilaa goormaa sharaftaydu sharafjab u rogmanaysaa? Ilaa goormaad wax aan micne lahayn jeclaanaysaan? Oo ilaa goormaad been doondoonaysaan? (Selaah)
3 Laakiinse ogaada in Rabbigu gooni ahaan isugu soocay kii cibaado leh, Rabbigu wuu maqli doonaa markii aan u yeedho isaga.
4 Cadhooda oo ha dembaabina, Qalbigiinna la hadla markii aad sariirtiinna ku jiiftaan, oo aamusa. (Selaah)
5 Bixiya allabaryadii xaqnimada, Oo Rabbiga isku halleeya.
6 Waxaa jira kuwo badan oo yidhaahda, Bal yaa wanaag na tusaya? Rabbiyow, iftiinka wejigaaga nagu ifi.
7 Waxaad qalbigayga gelisay farxad Ka sii badan tan ay helaan markii hadhuudhkooda iyo khamrigoodu ay kordhaan.
8 Nabad baan ku jiifsanayaa oo aan ku seexanayaa, Waayo, Rabbiyow, adigoo keliya ayaa ammaan igu bariiya.